Home Wararka Maanta Alshabaabkii Laga Saaray Magaalada Xarardheere oo Duqaymo Culus lala Beegsaday

Alshabaabkii Laga Saaray Magaalada Xarardheere oo Duqaymo Culus lala Beegsaday

0

Faahfaahino hordhac ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo galabta ciidamada xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay ciidanku heleen xogta Shabaab isku uruursanaya deegaan 10 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

“Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa galabta weerar culus ku qaaday deegaanka Bacadka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac qiyaastii 10 KM kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa Al-Shabaab gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub, sida lagu shaaciyey warkaan.

Kooxda Al-shabaab ayaa maalmo ka hor si nabad ah uga baxday magaalada Xarardheere inta aysan la wareegin ciidamada dowladda Soomaaliya

Sida ay wararku sheegayaan, Al-shabaab waxay qorsheynayeen inay dib u weeraraan Xarardheere, balse ciidamada oo ka war helay ayaa ka hor tegay weerarkaas.

Howlgalkaan ka hor tagga ah ayaa loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, sidoo kale ciidamada kumaandooska Danab ayaa qeyb ka ahaa howlgalka.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaas, balse wararka hordhaca ah ee warbaahinta dowladda ay tebisay waxay sheegayaan in khasaare badan la gaarsiiyey kooxda.

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Markii U Horeysay Isu Keenay Lafta-Gareen Iyo Mucaaradkiisa
Next articleMadaxweyne Deni oo War kasoo Saaray Guulaha isdaba jooga ah ee Galmudug Alshabaab ka Gaartay