Home Wararka Maanta Afar arrimood oo gaar u ah magaalada qadiimiga ah ee Ceel Dheer...

Afar arrimood oo gaar u ah magaalada qadiimiga ah ee Ceel Dheer Galmudug ee Laga Saaray Alshabaab Shalay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay degmada Ceel Dheer ee gobolka Galguduud. Waxa ay kamid tahay deegaanno dhowr ah oo ay ciidamada kula wareegeen si nabdoon, oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah ee Xarardheere.

Ceel Dheer ayaa kamid ahayd saddexda degmo ee ay Al-Shabaab ku xoogganaayeen gobolka Galguduud. Xarardheere iyo Ceelbuur ayaa lagu sheegay inay yihiin labada kale.

Haddaba waxaan qormadan ku eegaynaa afar arrin oo taariikhi ah, balse aan inta badan la xusin ee u gaarka ah degmada Ceel Dheer

Dagaalkii Labaad ee Dunida

Intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa Boqortooyada Britain waxa ay si weyn u duqeysay magaalada Mareeg oo xilligaa ay ku sugnaayeen Talyaaniga iyo ajaanib taabacsanaa.

Xasan Eybakar Shadoor oo kamid ah odayaasha Ceel Dheer isla markaana la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray ayaa sheegay in duqeymahaas ay horseedeen in shacabkii Soomaalida ahaa ay ka sooo qaxaan Mareeg oo ay u guuraan dhanka Ceel Dheer.

“Waxa ay lahaan jirtay dekad macmal ah oo ay ku soo xiran jireen maraakiib ka yimid dalalka Carabta,” ayuu yiri Xasan.

Xarun barashada diinta

Si lamid ah inta badan magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaalida, Ceel Dheer waxa ay ahaan jirtay xarun lagu barto diinta Islaamka.

Arday ka tagtay deegaannada Soomaalida ayaa halkaa u tegi jiray barashada Qur’aanka iyo culuunta kale ee Islaamka.

Culimada ka aflaxay Ceel Dheer waxaa kamid ah Sheekh Cismaan Sheekh Cumar (Xiddig) oo magac weyn ku dhex leh dariiqada Suufiyada.

Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho

Markii ay xoogaggii Maxaakiimta magaalada Muqdisho ka saareen hoggaamiye kooxeedkii halkaa kula dagaallamay, ayaa qaar kamid ah waxa ay u baxsadeen dhanka Galguduud.

Raggaas oo ay kamid ahaayeen kuwii ugu magaca dheeraa dagaal oogayaashii Muqdisho ayaa markii dambe ka duulay garoonka diyaaradaha Ceel Dheer, iyagoo u dhoofay Nairobi, sida uu noo xaqiijiyay Xasan Eybakar Shadoor.

Garoon fac-weyn

Ceel Dheer waxa ay leedahay garoon diyaaradeed oo kamid ah kuwa ugu faca weyn deegaannada Galmudug.

Sanadihii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe, waxaa garoonka ka soo degi jiray diyaarado ka tegay Kenya iyo Sacuudiga.

“Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, garoonku ma shaqeyn jirin, maaddaama ay magaalada ka talinayeen [Al-Shabaab], marka hadda dayactir kooban kadib waxaan filayaa in dib loo hawlgelin karo,” ayuu yiri Xasan Eybakar Shadoor.

Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyay in Al-Shabaab laga qabsaday degmada taariikhiga ah ee Ceel Dheer.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidmada Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo Kaabiga Ku Haaya Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Markii U Horeysay Isu Keenay Lafta-Gareen Iyo Mucaaradkiisa