Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga uu horkacayo Agaasimaha ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Guddiga Farsamada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in shirka looga arrinsanayo xiisada siyaasadeed ee maamulka uu furmi doono maalinta Isniinta oo berri ah.
Guddiga ayaa sheegay in isfaham hordhac ah laga gaaray ka qeyb-galka shirkaasi, taasi oo ka dhigan in dhinacyada dhamaantooda ay kasoo qeyb-gali doonaan shirkan.
Ad