Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Shirka Dowlada Somaliya iyo Madaxda Maamulada oo ka furmay Caasimada Dhuusomareeb

Shirka Dowlada Somaliya iyo Madaxda Maamulada oo ka furmay Caasimada Dhuusomareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo arbaco ah ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo tiro laba jeer ah furitankiisa uu dib u dhacay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya  Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland  & guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Xalay fiidkii  ayuu qorsuhu ahaa in uu shirkaasi furmo, hayeeshee uu dib u dhacay kaddib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay safar ku soo galay Dhuusamareeb ay cudur daarteen, sababo la xiriira inay daalan yihiin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa dhawaan shirkaasi in uu iclaamiyay in uu socon doono muddo saddex Cisho ah oo ka bilaabaneeysay 1-dii Bishaan, waxana meesha ka baxay balantii Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5 bisha February oo ku beegan maalinta jimcaha.

Dhamaan Madaxda ka qeyb-galeysa shirka ayaa waxaa ay jeedin doonaan khudbado kala duwan, waxaana sidoo kale la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleSawiro:- Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Safar Dhulka ku soo gaaray Dhuusamareeb
Next articleGuddoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo qaadacay shirka Dhuusamareeb