Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Saldhiga Turkisom Kuna Soo Arkay Wax yaabo Cajiib...

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Saldhiga Turkisom Kuna Soo Arkay Wax yaabo Cajiib ah(Sawiro)

0

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaa wasiirka halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha xerada.

Wasiirka ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka.

Intii uu ku guda jiray kormeerka shaqo, saraakiisha gacanta ku haysa tababarka ciidanka ayaa wasiirka uga warbixiyay halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga oo qeyb weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka argagixidada, sugana ammaanka guud.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga adkaaday fagaaraha dagaalka.

Kumanaan askari oo hadda ka dagaalameysa gobollada dalka ayaa lagu soo tababaray xeradaan TÜRKSOM, waxaana xusid mudan in qeyb ka mid ah mushaarka ay qaataan ciidamadii ay tababartay ay bixiso dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaa ka dhexeeya labada dal heshiis difaac oo sal-adag, waxaana xusid mudan in saldhig ciidan kan ugu weyn ee dalka dibadiisa uu ku leeyahay Turkigu uu ka sameystay Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta caasimadda Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa shalay shalay gudaha xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho wuxuu kula wareegay hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku uu ugu deeqay Soomaaliya, si gaar ah waxaa agabka uu Mareykanku bixiyey lagu qalabey doonaa ciidanka Danab oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu Hubka Ku siiyay Ciidamada Soomaalida?
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Markale Ku wajahan Baydhabo iyo Sababta la ogaaday