Home Wararka Maanta Hawaneey Qoorsagaro Ku Dishay Haweeneey kale oo lala Qabay

Hawaneey Qoorsagaro Ku Dishay Haweeneey kale oo lala Qabay

0

Inta badan isku dhac iyo colaado salka ku haya maseyr ayaa dhax mara haweenka la isla qabo, waxaana isku dhacyadaasi mararka qaar sababaan in ay dhibaatooyin nafta la isku dhaafiyo ay sababaan.

Deegaan kuyaalla dalka Nageria waxaa ka dhacday dil dad badan ka argagaxeen oo haweeney u geesatay min weyntii lala qabay, waxaana dilkan gudaha dalkaasi uu ka abuuray hadal heyn aad u badan.

Haweeney lagu magacaabo Amina Guguwa, oo ah 50 jir ku nool Tuullada Miya ee Deegaanka Warji ee gobalka Bauchi ee dalka Nageria ayaa dishay haweeney lala qabay oo iyana aheyd 60-jir.

Sarkaalka xiriirka dadweynaha ee booliska gobalka Bauchi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliiska xireen haweeneyda dilka geesatay, waxa uuna sargaalkan sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in ay isku dhaceen labada xaas ee la isla qabay , waxa uuna xusay in dagaal gacan ka hadal ah oo dhax maray labada haween ku geeriyootay Amina Kolitoyo oo 60 jir ahayd.

“Eedeysanaha, Amina Guguwa waxay xoog u adeegsatay haweeneyda kale, iyadoo si xooggan u ceejisay, ka hor intaysan ku qaban qoor-sagaaro, taasi oo sababtay inay marxuumada isla goobta ku geeriyooto” ayuu yiri Sarkaalka booliiska katirsan.

Dhacdadan dilka ah ee ka dhax dhalatay labada xaas ayaa booliiska Nageria hadda ku wadaan baaris, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in marka baarista dhammaato maxkamad loo gudbin doono haweeneyda dilka geesatay.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleKulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo Markale Maantay Baaqday iyo Aadan Madoobe oo Hanjabaad Diray
Next articleP.M Hamza Abdi Barre oo Booqday Ciidamadii lagu soo Tababaray Dalka Eriteeriya(Sawiro)