Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeey Dagaalkii Hilowle Gaab iyo Magacyada Saraakiisha Ku Dhintay Dagaalkaas+Sawiro

Wararkii ugu Danbeey Dagaalkii Hilowle Gaab iyo Magacyada Saraakiisha Ku Dhintay Dagaalkaas+Sawiro

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyay ciidaamda huwanta iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kaga kaga sugnaayeen deegaanka Hilowle-gaab.

Weerarkaan oo ku billowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa isa-soo taray khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo kuwa degaanka ah.

Saraakiisha iyo Askarta ku dhintay weerarkaasi ayaa waxa kamid ah Cabdulqaadir Teesto iyo Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Indhoole.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay jiraan gaadiid ciidan oo khasaare kasoo gaaray weerarka Al-Shabaab

Saraakiil iyo ciidamo gurmad ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Hilowle-gaab, kuwaasi oo markii dambe fashiliyay qorshii Al-Shabaab ay ka lahaayeen deegaankaasi.

Axmed Daaci oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in jab iyo khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee saaka weerarka kusoo qaaday saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin Hilowle-gaab.

“Dagaal badan baa dhacay, Khawaarijtu way soo weerareen, ciidamaduna way iska caabiyeen laakiin labada dhinac dhibaatooyin baa jira waanu jebinay markii dambe. Nin oday ah oo xabado habow ah ku dhaceen ayaa jira,” ayuu yiri.

“Ciidamadu way kala fogaayeen oo magaaladu maba lahan meel bartilmaameed ah oo lagu dhufto, xaaladdu way degen tahay oo waa lasii daba-joogaa, meel fog ayay ka yimaadeen nimankaan weerarka soo qaaday.”

Hoggaanka Shabaab ayaa dhankooda hore u sheegtay inay la wareegeen deegaankaasi oo kamid ah kuwii ugu danbeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka qabsadeen, inkasta oo si buuxda ay gacanta ug hayaan ciidamada huwanta.

“Dagaal kooban kadib waxaa ciidamadeena u suurta-gashay inay jebiyaan (ciidamada dowladda) ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii (ciidamada) ee deegaanka Hilowle-gaab. Ciidamadeenu waxay gacanta ku dhigeen hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal,” ayuu yiri Afhayeenka howl-gallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee rogaal celin ah oo Al-Shabaab soo qaado muddo ku siman saddex billood oo howl-galka looga horjeedo looga qabsaday gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSomaliland oo ciidamadii Weerari lahaa Laasacaanood soo dhoobtay duleedka magaaladaas
Next articleRuushka oo sii wada Duqeymihiisa Sida ay sheegtay Dowlada Ukraine