Home Wararka Maanta Dowladda FEderaalka Soomaaliya oo magacawday guddi baaritaano ku sameeya xaalada Laascaanood

Dowladda FEderaalka Soomaaliya oo magacawday guddi baaritaano ku sameeya xaalada Laascaanood

0

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in guddiga u magacaabay si warbixin uga soo diyaariyo xaalada ka taagan magaalada Laascaanood ee sababtay in dad badan oo shacab ah lagu dilo kuwa kalana lagu dhaawaco.

Guddiga uu magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka ayuuna faray in si degdeg ah u howlgalaan una soo gudbiyaan warbixin dhameestiran oo ku aadan xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleMadaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo laba arrin ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleToogasho ka Dhacday Gudaha Xerada Xalane ee Magaalda Muqdisho