Home Wararka Maanta Jeneraal odawaa oo Ka hadlay Sida Laga yeelaayo Ciidamada Laga Keenay...

Jeneraal odawaa oo Ka hadlay Sida Laga yeelaayo Ciidamada Laga Keenay Dalka Eriteeriya

0

Taliyaha Ciidanka milatariga General Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. 

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa 21-kii Bishan December kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale.  

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 1,000 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid. 

Ciidankan ayaa hadda la gayn doonaan furimaha dagaalka, sida uu sheegay Odowaa. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ma uusan sheegin gobolada la gayn doono. Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay kaalin mugleh ka qaadan doonaan in Shabaab laga xoreeyo dhul badan oo hadda gacanta ugu jira.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii kordhay iyadoo ciidamadu ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah. Alshabaab waxay hadda qarka u saaran yihiin inay lumiyaan guud ahaan gobolada dhexe, sida Mudug iyo Galgaduud. 

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowlad goboleedyada Shabaabka dhulkooda ay haystaan si degdeg ah looga dulqaadidoono islamarkaana dowladdu aysan marnaba shaqo kale ku mashquulidoonin illaa Shabaab laga nadiifiyo dhulka ay haystaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXaalada Magaalada Laasacaanood oo Kasii dartay iyo Dhimasho Badan oo ka dhacday Xili Muuse Biixi uu Baaq Diray
Next article“In badan ayaanu taleefanka ka wada hadalnay” Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Cody Gakpo oo shaaca ka qaaday qaabkii Virgil Van Dijk door ugu lahaa inuu Anfield ku biiro.