Home Wararka Maanta Golaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo Qodobada Qaar...

Golaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo Qodobada Qaar Diiday

0

Shirkii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, kaas oo socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankan uga dooday Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda, Hanaanka Federaaleynta Garsoorka amniga dagaalka Shabaab iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka kooban 5 qodob ayaa kasoo baxay shirka, waxaana laba ka mid ah iska diiday Puntland, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka soo baxay.

Labadaas qodob waxay kala yihiin Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland ay diiday in Garsoorka la Federaaleeyo iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday inay saxiixdo.

Dhinaca kale golaha ayaa ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Waxay sidoo kale isku raaceen in deg deg howlgallo looga bilaabo Koonfur Gabeed iyo Jubbaland oo hadda u diyaar garoobayao dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn golaha ayaa soo hadal qaaday dhacdadii Baydhaba ee dagaalka sababtay, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falkaasi, ayaga oo ku baaqay in la adkeeyo nabadda.

“Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkka Golaha Wadatashiga.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya iyo Dowlada Jabuuti oo war cusub kasoo saaray xiriirka labada dal
Next articleXaalada Magaalada Laasacaanood oo Kasii dartay iyo Dhimasho Badan oo ka dhacday Xili Muuse Biixi uu Baaq Diray