Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey qaar kamid ah maxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.
Maxaabiista uu cafiska u fidiyay madaxweyne maamulka Koonfur GalbeedĀ Laftagareen ayaa ahaa kuwa galay dambiyo fud fudud iyo kuwa loo soo xiray lacago deyman ah oo lagu lahaa oo ay iska bixin waayeen .
Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaana shaacisay in Laftagareen cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiistan munaasabadda sannad guurada 4-aad awgeed, waxa ayna sheegtay in madaxweynaha bixiyay lacago deyman ah oo lagu lahaa maxaabiista qaar.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo kaddib waxa uu u dabaaldegayaa sannad guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii la doortay, waxaana ku eg muddo xileedkiisii rasmiga ahaa, inkastoo uu sameestay muddo kordhin aan raali laga aheyn.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka