Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha koonfur Galbeed oo soo saaray go’aan culus kana...

Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha koonfur Galbeed oo soo saaray go’aan culus kana hor-yimid qorshaha aadan Madoobe

0

Golaha midowga musharaxiinta ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku qaadaceen qoraal ay maanta wadajir u soo saareen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale golaha ayaa cadeeyey in wixii ka dambeeya 19-ka bishaan uusan Laftagareen heysan sharciyad uu ku sii joogo kursiga, iyagoo nasiib darro ku tilmaamay baaqashada shirkii uu horay u iclaamiyey Aadan Madoobe in la isugu yimaado 19-ka bishaan December.

“Goluhu wuxuu cadeynayaa in habayaraatee wax wadatashi ah aan lagala sameyn war-murtiyeedkii uu maanta soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna goluhu cadeynayaa in si buuxda uu u qaadacay bayaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Golaha ayaa sheegay in K/Galbeed uu weli ka jiro nidaamkii dalka ay ku soo maamuli jirtay Nabad iyo Nolol, sida caburintii bulshada, xanibaadii safarada iyo mudo kororsigii sharci darrada ahaa.

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu soo dhaweeyey sii deynta siyaasiyiin ku xirnaa K/Galbeed, iyagoo dalbaday in lasii daayo siyaasiyiin kale oo ay ka xuseen Xasan Aadan Ilkacase oo maamulka u xiran.

Sidoo kale waxay golahaan soo dhaweeyeen in dib loo furay kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas oo xirnaa mudo ku dhow hal sano, iyagoo soo jeediyey in waajibaadkooda dastuuriga ah loo madax-baneeyo Xildhibaanada.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCali Jayte oo Balanqaad Cajiib ah u sameeyey Rag Ka Tirsan Kooxda Alshabaab
Next articleCabdirashiid Janan iyo Senoter Fartaag oo abaabul xooggan ka wada gobolka Gedo