Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Maxamed Xaaji Xasan oo Goordhow Toogasho Qorshaysan Lagu Dilay

Gudoomiye Maxamed Xaaji Xasan oo Goordhow Toogasho Qorshaysan Lagu Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay mas’uul sare ee oo ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye lagu dilay degmadaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada degmada iyo sidoo kale guddoomiye waaxeedka Xaawo Taako ee Afgooye.

Kooxda dilka fulisay ayaa marxuumka ka toogatay qaybaha sare ee jirka, waxayna kadib ka baxsadeen goobta oo ay mar dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye Mudane Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa war kasoo saaray geerida marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa.

Cabdullaahi ayaa sheegay in Marxuum Maxamed uu ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana howlaha muhiim ah u hayey shacabka degmada Afgooye.

“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.

Ad
Previous articleBooliska oo soo soo xiray macallin dugsi qur’aan oo oo Goystay falal naxdin leh
Next articleCali Jayte oo Balanqaad Cajiib ah u sameeyey Rag Ka Tirsan Kooxda Alshabaab