Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo ku baaqay in Ciidamada Militariga laga saaro Muqdisho

Midowga Yurub oo ku baaqay in Ciidamada Militariga laga saaro Muqdisho

0

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho, oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda.

Safiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa twitter-ka ku sheegay in magaalada Muqdisho oo lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo ka baxsan qadka taliska aysan caawineyn shacabka Soomaaliyeed.

Berlanga ayaa ku baaqay in cid kasta oo dooneysa in kaalin togan ka qaadato doorashooyinka dalka ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Axaddii 25-ka April soo galay ciidamo ka tirsan militariga oo sheegay inay diidan yihiin muddo kordhintii uu sameeyey Golaha Shacabka, kuwaas oo kadib ay dagaalameen ciidanka kale ee dowladda.

Inkasta oo Golaha Shacabka uu ka laabtay muddo kordhinta, islamarkaana ra’iisul wasaare Rooble uu ku baaqay in cidianka ay ka baxaan caasimadda kuna noqdaan xeryahooda, haddana weli ciidamada labada dhinac ayaa ku wada sugan gudaha Muqdisho.

Rooble ayaa weli wada dadaallo iyo kulamo la xiriira sidii uu ugu guuleysan lahaa in ciidanka ay ka baxaan caasimadda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFarmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomiyay Safiirka Cusub ee Itoobiya
Next articleDowlada oo xil ka qaadis iyo Shaqo joojin ku sameeneysa Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan