Home Wararka Maanta Maraykanka oo Duqayn ku Dilay Dagaalyahano ka Tirsan Alshabaab

Maraykanka oo Duqayn ku Dilay Dagaalyahano ka Tirsan Alshabaab

0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeytan kasoo gaartay dadka rayidka ah.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab,” ayuu raaciyay bayaanka Taliska AFRICOM.

Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 km waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska Mareykanka ee Africa.

AFRICOM ayaa sheegtay inaysan hadda macluumaad dheeri ah ka bixin howlgalkan.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleShaqaale careysan oo ku dibadbaxay mid kamid ah wasaaradaha Dowlada Federalka Soomaaliya
Next articleCiidamo Hor leh oo Xoraynaayo Deegaano Ka Tirsan Galmudug oo Garoonka Muqdisho laga Qaaday(Sawiro)