Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dhowaan alshabaab ka xureeyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha guud degmada ayaa booqday saldhiga deegaanka oo alshabaab ay ka qoteen godad waaweyn oo gabaad ay kaga dhiganayeen weerara Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa kacdoonka, sidoo kale Madaxweynaha ayaa Saldhiga kusoo arkay raadadka falal anshax xumo ah oo Al shabaab kula kici jireen dadka masaafurka ah ee ku socdaala wadada gaar ahaan haweenka oo ay kufsi kula kici jireen.
Madaxweynaha ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa kacdoonka waxa uun bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin ciribtirka argagixisada cadowga ah, Isagoo dul tagay goobtii lagu fashiliyay gaari damacsanaa inuu isku qarxiyo fariisin ciidamadu ku lahaayeen banaanka hore ee Magaalada waxa uuna abaalmarin gudoon siiyay Ciidamadii fashiliyay weerarkaasi.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE