Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamadoodu saaka galeen deegaanka Masaajid Cali Guduud oo dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen, iyaga iyo xooggaga Al-Shabaab.
Sida uu u sheegay taliyaha ciidamada dhulka ee Milatariga Soomaaliya, Janaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxay la wareegeen deegaanka Masaajidka Cali Guduud.
Deegaanka Masaajidka Cali Guduud oo hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, qiyaas ahaana u jira 40km, ayaa saldhig weyn u ahayd ururka Al-Shabaab sanadihii la soo dhaafay.
Waxay lacago ka qaadi jireen gaadiidka safarka ah, ee halkaasi mara.
Ad