Home Wararka Maanta Ciidamada Mucaaradka oo wali fariisimahooda jooga iyo Dowlada oo ciidamo cusub keentay

Ciidamada Mucaaradka oo wali fariisimahooda jooga iyo Dowlada oo ciidamo cusub keentay

0

magaalada Muqdisho ayaa xiligan ah mid aad u degan, waxaana shacabka magaalada ee qaxay saacadihii lasoo dhaafay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan guryahoodii ay ka barakaceen.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugnaa meelo aan ka fogeyn fariisimaha ciidamada mucaaradka ka sameesteen magaalada Muqdisho ayaa intooda badan laga saaray aagagaasi, waxaana ciidamada lagu celiyay xeryihii ay kasoo baxeen.

Qeybo kamid ah Muqdisho waxaa wali ku sugan ciidamada mucaaradka ee taabacsan Musharaxiinta , ciidankan ayaana wali sidoodii ugu jira dhufeesyada, waxa ayna ciidamadan sameesanayaan dhufeesyo hor leh .

Shacabka degan fariisimaha ciidamada mucaaradka joogaan ayaa wali dareemaya cabsi , mana muuqato talaabo ay mucaaradka u qaadeen in ciidankooda kala baxaan xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood.

Dhinaca kale waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasoo degay diyaarado magaalada Baladweyne kasoo qaaday ciidamo katirsan Haramcad , ciidamadan ayaana qeyb ka ah ciidamada dowlada dib ugu soo celineyso Muqdisho oo xiisad ka dhalatay.

Xaalada Muqdisho ayaa shalay galab mar qura is bedeshay kadib markii Dowlada federaalka Soomaaliya shaacisay in laga laabtay mudo kororsiga sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ku amray ciidamada in xeryhaooda dib ugu laabtaan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDeg Deg Ilo Muhiim ah oo Xaqeejiyay in Baarlamaanka ay xilka ka Tuuri doonaan R/W Rooble
Next articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha oo La Shirsan Madaxweyne Qoor Qoor