Home Wararka Maanta Dhul badeedkii ay muddada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya oo shidaal laga...

Dhul badeedkii ay muddada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya oo shidaal laga waayey

0

Kenya ayaa ku guuldarreysatay inay shidaal iyo gaas ka hesho qeyb ka mid ah dhul-badeedkii muddada afarto sano ah doodda ka taagneyd, waxaa sidas weriyey wargeyska Daily Nation.  

Baaritaan lagu sameeyey ceelka Mlima-1 oo loo yaqaan Block L11B ayaa lagu ogaaday inuu qalalan yahay, taasi oo soo geba-gebeysay 10 sano oo Kenya ay si sharci-darro ah shidaal uga baareysay dhul-badeedkan.

Hay’adda Maamulka Tamarta iyo Shidaalka Kenya ee (Epra) ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisay mashruuca bartimihii sanadkan kadib markii ay ku guuldareystay inay wax raad oo shidaal ama gaas ah ka hesho aagga.

Kenya ayaa fasaxa sahminta siisay shirkadda ENI sanaddii 2012 xilligaas oo ay si aad ah uga hortimid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Kenya si sharci darro ah u yaboohday xirmooyinka shidaalka. 

Kenya ayaa xoojisay dhaq-dhaqaaqyada sahminta ee agga Lamu Basin bishii December ee sanadkii tegay, toddobaadyo kadib markii ay diiday xukunkii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) bishii October oo badankiis u hiiliyey Soomaaliya.

“Waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo rajo-gelin ah balse nasiibdarro ENI waxay ku tageen ceel qalalan, waxayna ku qasbanaadeen inay soo geba-gebeyaan howlgalka,” ayey tiri Epra. 

Soomaaliya ayaa dacwadda kiiska badda u gudbisay Maxkamadda ICJ bishii August 2014, waxaana xukunka uu dhacay October 2021, kaasi oo badankiisa ay ku guuleysatay Soomaaliya.  

Kenya ayaa ku gacan sayrtay go’aanka Maxkamadda, waxayna sii wadday sahminta shidaal.

Waxaa xusid mudan in halka shidaalka laga waayey uu yahay kaliya hal block ama xirmo, ayna jiraan dhowr iyo toban kale oo aan weli la ogeyn waxa ku jira. 

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDab Khasaaro nafeed geestay oo caawa ka kacay guri kuyaalla magaalada Muqdisho
Next articleDowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la dilay horjooge Maxamed Nuur Shire