Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo Kaashanaaya Dadka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab...

Ciidamada Galmudug oo Kaashanaaya Dadka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab Saakay

0

Ciidanka xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo Xooggaga deegaanka oo iska kaashanaya ayaa saaka u jihaystay degaano ka tirsan Galmudug oo ayu gacanta ku heyso Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in aroortii saaka ciidanku ay mar qura ka dhaqaaqeen jihooyin badan oo farriisimo u ahaa isla markaana ay gudaha u galeen tuulooyin dhowr Km u jira degaanka Cadakibir.

Dhanka Kale, Ciidanka huwanta ee shalay la wareegay Deegaanka Labi dulle ayaa iyana saaka u jihaystay dhanka degaanada Ceel-la helay iyo Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo wararka laga helayo ay sheegayaan in Al-shabaab ay bilaabeen iney ka baxaan.

Kacdoon ay wadaan shacabka iyo beelaha qaarkood ayaa ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia kaasoo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana kacdoonkan taageeraya ciidamada dowlada Somalia.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDeg Deg: Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Sarkaal Sare oo Alshabaab ah(Sawiro)
Next articleDEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Muqdisho