Home Wararka Maanta Dowlada Eriteria oo War Cusub kasoo saartay Dagaalka Kasocda Etoobiya xili lasheegay...

Dowlada Eriteria oo War Cusub kasoo saartay Dagaalka Kasocda Etoobiya xili lasheegay inay Ka qayb Qaateen

0

Dowlada Eritrea ayaa beenisay inay heegan gelisay ciidamadeeda militeriga ayna yeertay ciidamadeeda keydka si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka socda woqooyiga Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in dalkiisa uu heegan geliyay oo kaliya ah tiro aad u yar oo kamid ah ciidamada keydka sababo la xiriira xoojinta amaanka Qaranka.

Wuxuu meesha ka saaray inay qoraneyso ciidamo hor leh si dalka deriska ay yihiin ee Itoobiya uga caawiso dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

Yemane Gebremeskel wuxuu sidoo kale sheegay in ciidan urursiga aysan wax xiriir ah la laheyn colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Warar soo baxay ayaa sheegay in Eritrea ay waddo abaabul ciidan kaasoo loogu yeeray ciidanka keydka, illaa da’da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan ciidanka loo diyaarinayo dagaalka TPLF.

Eritrea ayaa si weyn ugu lug leh dagaalka ka socda woqooyiga Itoobiya ee u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF, waxayna ciidamada Eritrea taageero siinayaan ciidamada Itoobiya inkastoo Eritrea ay marar badan beenisay arrintaas.

 

 

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleMaraykanka oo Boqolaal Milyan oo Doolar Soomaaliya Ugu Deeqay.
Next articleDEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya oo geeriyooday