Home Wararka Maanta Maraykanka oo Boqolaal Milyan oo Doolar Soomaaliya Ugu Deeqay.

Maraykanka oo Boqolaal Milyan oo Doolar Soomaaliya Ugu Deeqay.

0

Safaaradda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan $700 oo milyan, taas oo ay ku bixiyeen wax ka qabashada gurmadka abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu faahfaahiyey lacagtaan oo la soo mariyey hay’adda gargaarka ee USAID.

Hay’adda ayaa dhankeeda shaacisay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay meshii ugu xumeyd, isla-markaana ay kordhiyeen taageeradooda Soomaaliya.

USAID ayaa sidoo kale sheegtay in macluul laga saadaalinayo deegaanada qaar, sida Koonfur Galbeed, inta lagu guda jiro bilaha Oktoobar-December ee sanadkan, haddii aan si degdeg ah gargaar naf badbaadin ah loo helin si loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Abaarta Soomaaliya ku dhufatay ayaa ah tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, waxaana socdo gurmad iyo dadaallo ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamka.

Ilaa 7.8 milyan oo Soomaali ah ayey saameysay abaarta, ayada oo in ka badan 1 milyan ay ku barakaceen oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​99,000 bishii Ogoosto.

Si kastaba, warbixinta ka soo baxday deeq bixiyeyaaha ayaa lagu sheegay in ay si deeqsinimo ah u kordhiyeen maalgelinta qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada, iyada oo 65 boqolkiiba la maalgeliyay laga bilaabo 31-ka Ogoosto ee sanadkaan 2022-ka

 

 

 

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleAbuu Mansuur oo uyeeray lana kulmay Wasiir Khadiija Diiriye Xili Muran Xoogan Dhalisay Maalmihii lasoo Dhaafay (Sawirro)
Next articleDowlada Eriteria oo War Cusub kasoo saartay Dagaalka Kasocda Etoobiya xili lasheegay inay Ka qayb Qaateen