Home Wararka Maanta Abuu Mansuur oo uyeeray lana kulmay Wasiir Khadiija Diiriye Xili Muran Xoogan...

Abuu Mansuur oo uyeeray lana kulmay Wasiir Khadiija Diiriye Xili Muran Xoogan Dhalisay Maalmihii lasoo Dhaafay (Sawirro)

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Roobboow (Abuu Mansuur) uu wehliyo kuxigeenkiiisa ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Kulankan dhax maray labada wasiir iyo xubnaha la socday ayaa looga hadlay sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen labada wasaaradood iyo sidii looga arrinsan lahaa arrimaha wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka suuban.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiir  Roobow Abuu Mansuur kala hadlay wasiir Khadiija Diiriye in ay wanaajiso hab labiskeeda, sidoo kale wasaaradda ka digtoonaado arrimaha jinsiga gaar ahaan kuwa wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli hadal heyn badan uu ka dhashay sulwaal ay dhawwaan ku labisatay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye xilli ay dalka dibaddiisa u safreysay, waxaana labiskaasi dhaleeceeyay culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada qaarkood.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleCiidanka Xooga Dalkaa oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen Al Shabaab
Next articleMaraykanka oo Boqolaal Milyan oo Doolar Soomaaliya Ugu Deeqay.