Home Wararka Maanta Ciidanka Xooga Dalkaa oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen...

Ciidanka Xooga Dalkaa oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen Al Shabaab

0

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ,gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ee  Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maamulayeen kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Gorgor hoggaamineysay ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka gaareen toolooyin ay kamid yihiin Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal oo hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad Kumaandooska Xoogga ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Shiikh ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ku dileen afar dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo ciidanka la dagaalamay.

Waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in ciidamada Gorgor burburiyeen doon ay wabiga labadiisa dhinac isaga kala gudbin jireen dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugnaa tuulooyinka ay howlgalka ka fuliyeen.

Ciidamanka Gorgor ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa mararka qaar qaada howlgalo qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano iyo toolooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFiqi oo digniin udiray Odayaal kasoo jeeda Galmudug Qorshe Al Shabaab diyaarinayaan
Next articleAbuu Mansuur oo uyeeray lana kulmay Wasiir Khadiija Diiriye Xili Muran Xoogan Dhalisay Maalmihii lasoo Dhaafay (Sawirro)