Home Wararka Maanta Fiqi oo digniin udiray Odayaal kasoo jeeda Galmudug Qorshe Al Shabaab diyaarinayaan

Fiqi oo digniin udiray Odayaal kasoo jeeda Galmudug Qorshe Al Shabaab diyaarinayaan

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda Al Shabaan u qorsheynayaan iskudirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Wasiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in Alshabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwoo mooriyaan ah, oo qudhaacu dhuruq ah, isaga oo intaa raaciyey in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug kaas oo lagu qaban doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Wasiirka waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odeyaasha uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Dhankooda odeyaasha Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka argigixisada Alshabaab iyaga oo wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan, waxaa kale oo ay wacad ku mareen in ay huri doonaan naf iyo maal.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTaliyaha Xooga oo war ka soo saaray dagaalo Alshabaab Lagu qaaday (Sawiro)
Next articleCiidanka Xooga Dalkaa oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen Al Shabaab