Waxaa Maanta Magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland gaaray Saraakiil Ciidan oo ka socota dowladda Itoobiya.
Saraakiishaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada garoowe kusoo dhaweeyay taliye ku-xigeenka ciidanka Puntland, iyaga oo loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Saraakiishaan ayaa sidoo kale la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Maamulka Puntland oo hadda safar ugu maqan degaano katirsan gobolka Sanaag markii uu dib ugu soo laabto magaalada.
Millatariga dowladda Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada Dawlad-gobolleedyada ee xadka la leh , tan iyo markii Al-Shabaab ay ka tallaabeen xadduuda gobollada Bakool iyo Hiiraan, waxaana saraakiishaan ay horay u tageen magaalooyinka baydhabo iyo Hargeysa
Ad