Wasaaaradda arimaha dibada Soomaliya, ayaa hambalyo u dirtay dalka Mazar 70 Sana guuradii ka soo wareegtay maalinta Qaranimada dalkaas oo ku beegan 23 jully .
Madaxweynaha Soomaliya, oo dhawaan ka soo laabta safar uu ku tagey dalka Tanzania, ayaa lagu wadaa inuu booqasho maalma qaata ku tagi doona dalka Masar gaar ahaan magaalada Sharm el-Sheik, halkaas oo ay isku arki doonaan Madaxweynaha dalkaas Abul Fatah Alzizi.
Madaxweyne Xasan Sheikh, oo jooga wax yar 80 maalmood ayaa cagta soo mariyey dalal kala duwan oo yurub, Aasia, iyo Africaba ku yaala .
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa inta ay socotay ololihiisa waxuu ka dhawaajiyay inuu ka shaqeyn doono hadii loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay Heshiis la noqoto dunida.
Masar ayaa u dabaal dagaysa 70 Sana guuradii ka Soo wareegtay Maalinta Qarannimada Dalka Masar, waxaana Hambalyo la wadaagay Dowladda Soomaaliya