Home Wararka Somaliya Puntland Boosaaso Wiil dhalinyara ah oo Maalmo xabsi ugu xiran Qoraal Facebook uu...

Boosaaso Wiil dhalinyara ah oo Maalmo xabsi ugu xiran Qoraal Facebook uu Facebook ku qoray

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maalinimadii talaadada ahayd 19 July 2022, lagu xiray nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Sahal, Qaar kamid ah eheladiisa oo Warbaahinta Daljir la hadlay ayaa sheegay in wiilkooda loo xiray dalab uu bilayska gobolka Bari usoo gudbistey Guddoomiyaha Hay’adda Hantidhawrka Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax.

Wiilkan la xiray ayaa bartiisa facebook qoraal uu ku qoray 4 tii bishan ku dhaliilay habkii uu Su’aalaha baarlamaanka uga jawaabey Hantidhawraha guud ee Puntland, taasi oo loo aanaynayo xarigiisa.

Warbaahinta Daljir ayaa isku dayo badan samaysay si ay ula xiriirto Guddoomiyaha Hantidhawrka Puntland oo la sheegay in amarkiisa lagu xiray wiilkan, balse kama uusan jawaabin wicitaanka iyo fariimo aan u diray.

Qaar kamid ah dadka ku booqday Saldhiga dhexe ee Boosaaso uu u ku xiran yahay wiilkani ayaa sheegay in saraakiisha bilaysku u sheegeen in wiilkan loo xiray dalabka hanti dhawraha oo ka carooday qoraalka uu ku qoray facebook.

mudo ka badan 3 maalmood oo uu xiran yahay lama horkeenin maxkamad, iyadoo sharciga Puntland jidaynayo in qofna uusan Maxkamad la’aan xirnaan karin wax ka badan 48 saac, sidoo kale sharci yaqaano Daljir la hadlay ayaa sheegay inaysan sharciga waafaqsanayn xirista qof markaas aan fal denbiyeed faraha kula jirin.

Puntland waxaa kusoo badanaya dadka loo xirayo aragtiyo ay ku dhiibteen baraha bulshada, Dastuurka Puntland ayaa damaanad qaadaya xoriyada fikirka iyo tan hadalka waana xuquuq aasaasi ah oo xeerarka caalamku damaanad qaadayaan balse aanay dadku helin marka la joogo Soomaaliya

Xigasho Warbaahinta Daljir

Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya oo codsi u Gudbiyay Madaxda Bulshada Bariga Afrila (Sawiro)
Next articleWaa Kma Shaqsiga loo wada xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka?