Home Wararka Maanta Alshabaab oo soo Bandhigtay Maxabiis Gadiid iyo Hub ay ku Qabsadeen Dagaalki...

Alshabaab oo soo Bandhigtay Maxabiis Gadiid iyo Hub ay ku Qabsadeen Dagaalki ay Ku Qaadeen Maamulka Somalida itoobiya(Sawiro)

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarkii ay ku qaaday degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xaduudka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo guul weyn ay ka sheegatay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa goordhoweyd faafiyey sawirada weeraradaas oo ay sheegtay inay dagaal-yahaanadooda xasuuq ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada Liyuu Booliska ee ku sugna xeryaha ciidamada ee deegaanadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ku soo furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo u waramay warbaahintooda.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen maxaabiis ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen, sida ay sheegteen.

Inkasta oo deegaanada uu dagaalku ka dhacay yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waa magaalooyin istaraatiiji ah oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleAlshabaab oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Dagaalka ay Ku Qaadeen Dowlad Deegaaanka Soomaalida
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya oo codsi u Gudbiyay Madaxda Bulshada Bariga Afrila (Sawiro)