Home Wararka Maanta Madaxtooyada Soomaaliya oo War Kasoo saartay Xaalka Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxtooyada Soomaaliya oo War Kasoo saartay Xaalka Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowaan ku dhacay cudurka COVID-19.

Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna xusay inaysa jirin illaa hadda saameyn muuqata oo uu cudurkaan ku yeeshay caafimaadka madaxweynaha.

“Waxaan ugu bishaareyneynaa umadda Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay, isagoo hore u tallaalnaa” ” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa sidoo kae sheegay in madaxweynaha uu si caadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu umadda Soomaaliyeed guud ahaan uga mahadcelinayo ducadii ay usoo duceeyeen markii ay maqleen in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka COVD19

 

 

Ad
Previous articleGuddiga cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo Sheegay siday ula Shaqayn doonaan Dowladà u hogaamiyo Xasan Sheekh
Next articleWar Cusub oo kasoo Kordhay Ciidamadii ku maqnaa Dalka Eriteeriya