Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo dhibaato Xoogan ka Gaystay Degaan ay Dhawaan Qabsadeen

Ciidamada Dowlada oo dhibaato Xoogan ka Gaystay Degaan ay Dhawaan Qabsadeen

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Qudus ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka geysteen dhibaatooyin ka dhan ah shacabka deegaankaas.

Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa la gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Odayaashaan ayaa dalbaday in gargaar loo fidiyo dadka ay Tuulada Qudus ku dhibaateeyeen ciidamada Jubbaland oo aysan garaneyn sababta ka dambeysay inay sidaas ula dhaqmaan.

Waxay sheegeen in tuulada aysan horay u joojin wax ciidan ah, isla markaana ay soo weerareen ciidamada Jubbaland oo ka geystay gabood fallo aan loo meel deyin, sida ay sheegeen odayaashii hadlay.

“Ciidamadaas waxay ka soo gudbeen dhowr deegaan oo aysan waxaba ka geysan, laakiin waxay weerareen tuulada Qudus oo cid hubeysan aysan joogin, dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ayey geysteen, waxaan ka canabeynaa ciidanka Jubbaland,” ayuu yiri oday kale.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDeg Deg Wasiir bayle oo diiday hadalkii Xeer ilaalinta Qaranka
Next articleMareykanka oo ka carooday Dal Muslim ah oo hawada u diray dayax gacmeed