Home Wararka Somaliya Wararkii ugu danbeeyay dabley gudaha u gashay Hoteel Afrik ee magaalada Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay dabley gudaha u gashay Hoteel Afrik ee magaalada Muqdisho

0

Wali waxaa la maqlayaa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox dabley ah oo gudaha u gashay Hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyo is xig xigay ayaa laga maqlay ilinka hore ee hoteelka ka hor inta aysan gudaha u galin dableyda oo u muuqday kuwo u diyaarsanaa weerarka.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Hoteelka iyo daafihiisa kuwaa oo la dagaalamaya xoogagga hubeysan ee ku jira gudaha hoteelka oo adeegsanaya rasaas culus.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay  weerarkan iyadoo hoteelka la weeraray inta badan ay tagaan saraakiisha dowladda iyo waliba dadka qurbo joogta ah.

Ad
Previous articleUN head James Swan arrives in Kismayo for final electoral talks with FMS leaders
Next articleGeneraal Indhacade iyo Saraakii kale oo laga soo badbaadiyay Weerarka Hotel Afrik

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here