Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xil kaqaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii giddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabelle Axmed Xasan Diini.
Waxa uu sidoo kale Rooble hambalyo u diray Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday guddiga doorashada Hirshabelle, waxa uuna faray guddiga doorashada in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.
Ra’isul Wasaare Rooble oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.
Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ku boorriyay Madaxda maamulada Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka