Ruushka ayaa taageero dhaqaale oo dheeri ah ka doonayay Shiinaha si uu uga hortago cunaqabateynta ay reer galbeedka ku soo rogeen dagaalka Ukraine.
Maraykanka ayaan wax kale ka odhan doonin nooca qalabka milatari ee uu Ruushku dalbaday, si aanay khatar u galin sirdoonkiisa. Sidoo kale waxba kama sheegi doonaan sida Shiinuhu uga jawaabay codsiyada, sida laga soo xigtay New York Times .
Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Isniintii kula kulmay magaalada Rome sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Shiinaha, iyo arrimo kale oo ay ka wadahadleen duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa xoojiyey xulafada uu Ruushka la leeyahay, waxaana uu taageeray madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu dagaalka billowday, inkastoo Shiinaha uusan u muuqan mid aad ugu faraxsan dagaalka.
Mareykanka ayaa si dhow isha ugu haya in Ruushka uu helo wax ka mid ah waxa ay codsanayaan.