Home Wararka Maanta Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya oo Qadaka Telefoonka Kula Hadlay Madaxweynayaasha Maamul...

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya oo Qadaka Telefoonka Kula Hadlay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada (Aqriso waxay ay kawada Hadleen)

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa wada hadalo khadka taleefanka la yeeshay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, si uu ugu adkeeyo in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15 bishan March.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa u xaqiijiyay inay xubnaha ka haray doorashada deegaanadooda ay ku soo gabagabeynayaan ka hor 15 March.

Safiirka ayaa sidoo kale la hadlay Madaxweynaha Hirshabelle oo ay ka wada hadleen xaaladda Beledweyne iyo caqabadaha ku xeeran dhameystirka doorashada, waxaana Madaxweyne Guudlaawe u sheegay in aanu lagu soo gabagabeyn karin 15 bishan doorashada xubnaha ku haray Beledweyne, isla markaana u baahan yahay waqti, iyadoo la siiyay waqti dheeri ah

Safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu kaloo xaalada Garbahaarey oo ay taallo 16 kursi kala hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isna u sheegay in aanay suura gal aheyn in doorasho lagu qabto deegaankaas oo ay caqabad ka jirto, waxaana Jubbaland ay door bideysaa in meel kale lagu qabto oo aan aheyn Garbahaarey, sida degmada Ceelwaaq oo kale.

Ilo ku dhow Safiirka Mareykanka ayaa sheegaya inuu arrinta Garbahaarey uu kala hadlay Madaxweynayaasha kale ee dowlad Goboleedyada oo ku aadan aragtidooda, waxayna Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed u sheegeen inay muhiim tahay in heshiiskii 17 September la fuliyo oo iyagaba sidii loogu tala galay u dhaqan geliyeen.

Illaa hadda mala isku raacin sida laga yeelayo arrinta Garbahaarey iyo in deegaan kale loo wareejiyo doorashada, waxaa jira wadatashiyo kala duwan oo Xubnaha Beesha Caalamka ka yeelanayaan arrinta Garbahaarey, doodaha qaar ayaa ah in laga gudbo oo la fariisiyo Baarlamaanka oo aan loo xayirnaan, maadaama waqti socdo, isla markaana la raadiyo xal kale oo looga baaqsan dib i dhac kale oo dheeraad ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDeg Deg: Abaabul Xoogan oo Saakay Laga Dareemaayo Magaalada Gaalkacyo iyo Gaadidka Dagaalka oo Banaanka Loosòo Baxshay(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg: Ciidamo Gadoodsan oo Hareereeyey Guriga QoorQoor ee Magaalada Gaalkacyo iyo Qoor Qoor oo Ciidan Dalbaday(Sawiro)