Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Ukraine ka socda uu saameyn ballaaran ku yeeshay ka jawaabidda abaaraha Soomaaliya, iyadoo ka digtay in ay soo food saartay dhaqaale la’aan naafaysa, si wax looga qabto abaarta jirta.
Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xasaradaha ka jira Ukraine ay qaateen dhammaan taageerada caalamku ugu talo galay dalalka kale oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, maadaama ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan.
Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka ay saameeysay illaa 4.5 milyan oo qof, oo ah ku dhawaad 30% tirada dadka Soomaaliyeed.
Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in loo baahan yahay $1.46 bilyan oo u dhiganta (1.23 bilyan oo Yuuro), si loogu daboolo baahiyaha Soomaalida
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay