Home Wararka Caalamka Soomaalida joogta ukrain” Waxaan ka Bixi la.nahay Magaalada kiyf ee Caasimada Ukrain”

Soomaalida joogta ukrain” Waxaan ka Bixi la.nahay Magaalada kiyf ee Caasimada Ukrain”

0

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xayiran dalka uu dagaalku ka socdo ee Ukraine oo maalinkii afaraad si xariir ah u wajahaya duulaanka uu Ruushku ku soo qaaday.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladu ka sii dareyso, isla markaana uu maanta dagaalku aad u xoogeystay.

Cabdiqaani Mayow Maxamed waxuu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee hadda ku sugan caasimadda Ukraine ee Kyiv, wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxa uu ku sheegay in hadda ay xaaladu ku adagtahay.

Wiilkaan oo tahriib ku galay dalka Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan laba jeer uu ku guul-dareystay inuu ka baxo dalkaas, sidoo kalena in ka badan laba sano uu ku xiraa xabsiyada dalka Ukraine, kadib markii laga soo qabtay xuduuda.

Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay in ayagoo Soomaali badan ah ay hadda ku xayiran yihiin caasimadda Kyiv oo bandow lagu soo rogay, isla markaana ay qorsheynayaan in wixii berri ka dambeeya ay isaga baxaan dalkaas, markii bandowga laga qaado caasimadda oo dagaalka ugu xoogan uu ka socdo hadda.

 

Sida ay maanta sheegtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss, dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sii xoogeysanaya, waxayna saadaalisay in dagaalkaan uu sii soca karo ‘sanado badan.’

Cabdiqaani Mayow waxa uu sheegay inay waayeen wiil Soomaaliyeed oo xanuunsanaa, kaas oo ka mid ahaa dadkii laga sii daayey xabsiyada Ukraine, si naftooda ay u badbaadsadaan.

“Amnigeena halis ayuu ku jiraa, dagaalku waa sii xoogeysanayaa, magaalada lagama bixi karo, oo waxaa saran bandow, ciidanka ayaa irdaha noo taagan, dukaamadii magaalada waa la xiray, waxaan ku nool nahay cuntooyinka fudud oo aan soo adeeganay intii aan la xirin goobaha ganacsiga,” ayuu yiri Cabdiqaani Mayow oo ku sugan caasimadda Ukraine.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleGuddiga Xalinta Khilafaadka Oo Go.aan kasoo saaray HOP045 oo is qabqabsi Xoogan ka Taagnaa
Next articleDowlada Ruushka oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay qasaaraha Kasoo Gaaray Dagaalka Kasocda Ukrain