Home Wararka Maanta Maraykanka oo weeraray Alshabaab iyo Africom oo war ka soo saaratay

Maraykanka oo weeraray Alshabaab iyo Africom oo war ka soo saaratay

0

Diyaaradaha dagaalka ciidamada Mareykanka ayaa muddo kaddib dib u bilaabay weerarada dhinaca cirka ah ay ku beegsadaan deegaanada iyo xarumaha ay joogaan dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Taliska ciidmada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday iyaga oo kaashanaya ciidanka dowlada Soomaaliya weerar dhinaca cirka ah la beegsadeen  22-kii bishan deegaanka Dudubley oo katirsan gobolka Hiiraan.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka sida uu dhigayo oggolaashihii Isticmaalka Ciidanka Milatariga Mareykanka ee sanadkii 2001.

Ciidamada Mareykanka ayaa weerarada dhinaca cirka ah ka taageera ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ay tababaraan Mareykanka, waxaana marar badan  Mareykanka fuliyeen duqeymo lagu dilay hogaamiyaal iyo saraakiil kiatirsan Al Shabaab

Ad
Previous articleJadwalka Shan kursi oo Beri la Dooranaayo Oo Maantay La Shaaciyay
Next articleMidowga Yurub oo Hanjaabad u Diray Ruushka Xili uu Ukrain weerar Culus ku Qaaday