Home Wararka Maanta Aqriso:Heshiiska Uu Galay Wasiirka Batroolka Soomaliya ee Farmaajo iyo Rooble Kawada Caroodeen

Aqriso:Heshiiska Uu Galay Wasiirka Batroolka Soomaliya ee Farmaajo iyo Rooble Kawada Caroodeen

0

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Eng Cabdirashiid M. Axmed ayaa sheegay in uu saxiixay heshiiska wax soo saar wadaag oo xagga shidaalka ah lana galeen shirkad lagu magacaabo, COASTLINE EXPLORATION LTD, wuxuuna ku sifeeyey guul u soo hoyatay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in uu arrintan taageero uga helay Madaxweynaha DF Soomaaliya oo uu ku garab siiyey dhameystiran geedi socodkan.

Villa Somalia ayaa beenisay hadalka wasiirkam waxaana qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay in Farmaajo uusan waxba kala socon heshiiskan, uuna yahay mid sharci daro ah.

Sidoo kale Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

HOOS KA AKHRISO HESHIISKA UU SAXIIXAY WASIIRKA OO ENGLISH KU QORAN

 

Ad
Previous articleMadaxweyne farmaajo oo War Kulul Kasoo Saaray Heshiis Muran Badan Dhaliyay oo Wasiirka Batroolku Saxiixay
Next articleRooble oo ka hor yimid heshiis uu galay Wasiirkiisa Batroolka iyo Macdanta