Home Wararka Somaliya Galmudug Mid ka mid ah Saraakiishii Badbaado Qaran oo Goordhow Xildhibaan loo Doortay(Sawiro)

Mid ka mid ah Saraakiishii Badbaado Qaran oo Goordhow Xildhibaan loo Doortay(Sawiro)

0

Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka socota doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP025 oo horey ugu fadhisay Xildhibaan Naciimo Maxamed Gacal ayaa waxaa ku tartamay Guddoomiyaha degmada Dayniile Musharax Maxamed Abuukar Jacfar iyo Musharax Xasan Cali Cismaan (Qowdhan).

Doorashada kursigan waxaa ku guuleestay Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar kaddib markii qaab gacan taag ah loogu codeeyay, waxaana doorashada ka tanaasulay musharaxii la tartamayay Xasan Qowdhan.

Guddoomiyaha degmada Dayniile Jacfar ayaa dadaal badan u galay sidii uu uga mid noqon lahaa xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana kursigan uu ku guuleestay oo horey u ahaa mid qoondo dumar loo wareejiyay mid rag.

Ad
Previous articleJadwalka 7 Kursi oo Cusub oo Dhawaan La Dooranaayo oo Lashaaciyay
Next articleVilla Soomaaliya oo Diyaarisay Qorshe Culus oo Ay Ku Majaxaabinayso Cabdiraxmaan Cabdishakuur