Qoraal kasoo baxay guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee heer federaal ayaa looga dalbaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor in ay ilaaliyaan qoondada haweenka gaar ahaan kuraasta beesha Habar Gidir.
Madaxa Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Marwo Faadumo Maxamed Cabdullahi ayaa sheegtay in beel kasta oo leh saddex kursi laga rabo in mid kamid ah noqoto haween.
Qoraalka guddiga xaqiijinya qoondada haweenka ayaa lagu dalbaday in si gaar ah loo ilaaliyo qoondada haweenka ku leeyihiin beesha Habar Gidir oo gaareysa ilaa afar kursi, waxa ayna guddiga sheegeen in Galmudug tahay meesha ugu liidata ee qoondada haweenka aan la ilaalin.
Ad