Home Wararka Maanta GOlaha Wadatashi Qaran oo Caawa Shir Deg Deg ah isugu imaanaaya

GOlaha Wadatashi Qaran oo Caawa Shir Deg Deg ah isugu imaanaaya

0

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir dhanka Zoomka caawa yeelanaya, iyagoo kaga arrinsanaya dardargelinta doorashada/xulashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beryahan gaabis ku timid.

 

iyadoo muddo 15 cisho ka harsan tahay mudada 40-ka cisho ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aan weli saddex meel labo meel aysan gaarin, illaa haddana la doortay illaa 110 Xildhibaan.

Kulanka caawa ayaa ku soo beegmay, saacado kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu soo saaray qarar xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dhanka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda oo ay ku jiraan xarig aan caddaalad ahayn.

 

 

caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku-takri-falka iyo isdaba-marinta doorashada, inkastoo aanu Mareykanka shaacin shaqsiyaadkaas, balse ay ku jiraan rag xilal hore soo qabtay iyo kuwa hadda xil haya.

Ad
Previous articleJeneral Odawaa Yusuf Rage oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Qatar
Next articleDowlada Soomaaliya Iyo Midowga Africa oo Bayaan Wadajir Ah Soo Saaray(Aqriso)