Home Wararka Maanta 90 jir Reer Hindiya ah oo xabsi daa’in lagu xukumay kadib dil...

90 jir Reer Hindiya ah oo xabsi daa’in lagu xukumay kadib dil uu geeystay 42 sano ka hor

0

Toddobaadkii hore 90 jir ah oo reer Hindiya ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay inuu dilay 10 qof, fal-dembiyeed dhacay 42 sano ka hor. Qoysaska dhibanayaasha ayaa sheegay in xukunka maxkamadda uu aad ugasoo daahay si uumacno ugu yeehso, khubarada xagga sharciga ayaa sheegay in uu nyahay kiis ku dayasho mudan “cadaaladii dib loo dhigay oo ladiiday”.

Fiidnimadii 30-kii December 1981 waa mid aan ka go’eyn xusuusta dadka ugu da’da weyn tuulada Sadhupur ee waqooyiga gobolka Uttar Pradesh.

“Koox rag ah ayaa soo galay dhismaha gurigayga abbaare 6:30 galabnimo waxayna bilaabeen inay toogtaan,” ayeey tiri Premvati. Ma hubto da’deeda laakiin waxay aaminsanahay inay ku dhowdahay 75 sano.

Waxba ima ay waydiin, waxa ay bilaabeen in ay rasaas nagu soo ridaan,” ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in daqiiqado gudahood ay agteeda ku dhinteen saddex ka mid ah carruurteeda – wiilal 10 jir iyo siddeed jir ah iyo gabar14 jir ah.

Carruurteedu waxay ka mid ahaayeen 10 xubnood oo ka tirsan bulshada Dalit oo fiidkaasi la dilay. Premvati ayaa ka mid ahayd laba dumar ah oo dhaawacmay.

Arbacadii la soo dhaafay, garsoore Harvir Singh oo ka tirsan maxkamadda degmada ee magaalada Firozabad ayaa ku xukuntay eedaysanaha kaliya ee ka badbaaday Ganga Dayal, oo xubin ka ah bulshada Yadav xabsi daa’in . Dayal ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo ganaax dhan 55,000 rupees oo u dhiganta $668, haddii uu bixin waayana waa inuu 13 bilood oo dheeraad ah ku sii jro xabsiga.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiilada
Next articleQarax Ay Ku Dhinteen 22 Caruur ah oo ka Dhacay Qoryooleey