Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maamta Xariga ka jaray Wado laami ah oo isku xirta isgooska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo sigaarka ee Muqdisho.
Dhismaha Wadadaan oo muhiim u ahayd isku socodka Gadiidka iyo dadweynaha oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay ayuu maanta guddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xariga ka jaray, iyada oo ay goob jog ka ahayeen maamulka Gobalka Banaadir, mamulka degmooyinka ay wadadan xariiriso iyo qeybaha kala duwan ee dadka degaanka.
Dadka Deegaanka oo kaashanaya Guddiga Dhismaha wadooyinka ayaa isku Xilqaamay in la dhiso wadadaan oo ka mid aheed Wadooyinka ku burburay Colaadihii dalka ka dhacay.
Cumar Finish ayaa digniin u diray Bulshada waxuuna sheegay in qofkii dhibaata ku sameeyay Maxkamad lala Tiigsan doono.