Home Wararka Maanta 55 Qof Oo Ku Geeriyootay Doon Ku Degtay Xeebaha Liibiya

55 Qof Oo Ku Geeriyootay Doon Ku Degtay Xeebaha Liibiya

0

Dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub ayaa ku degtay xeebaha dalka Liibiya, waxaana wararku sheegayaan inay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka.

Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba maraan, iyaga oo isku dayaya inay gaadhaan dalalka Yurub.

Hay’adda Socdaalka Dunida ee loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in masiibadani ay dhacday maalinimadii Salaasada. Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga. Illaa hadda xog badan lagama hayo sababta keentay inay doontani degto.

Safa Msehli oo ah afhayeen u hadashay IOM ayaa sheegtay in doontani ay degtay waxyar ka dib markii ay xeebaha ka shiraacatay. Waxay intaas ku dartay in illaa haatan ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay soo saareen meydka sagaal nin iyo cunug yar.

Shanta qof ee la soo badbaadiyey ayaa saddex ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, iyo laba qof oo u kala dhashay Masar iyo Syria, sida ay Safa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

IOM ayaa sheegtay in sannadkan oo keliya ay badda ku dhinteen illaa 537 muhaajiriin ah, halka la badbaadiyey ama safarkooda tahriibka laga joojiyey in ka badan 4,300 oo muhaajiriin ah kuwaas oo dib looga celiyey badda

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleXabsiga miyuu ka baxsaday Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Xil Ka Qaadis Lagu Samaynaayo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Odawaaa