Home Wararka Maanta Agaasimayaasha Villa Soomaaliya oo Isku Shaandhayn lagu Sameeyey

Agaasimayaasha Villa Soomaaliya oo Isku Shaandhayn lagu Sameeyey

0

Waxaa maanta isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, iyadoo xilalka loo kala beddelay qaar kamid ah agaasimayaasha madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa wareegtooyinkan oo kasoo baxay Villa Somalia lagu magacaabay agaasamiyaal cusub, halka kuwii hore lagu sameeyay qaarkood isku beddel.

Agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ayaa loo magacaabay Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo isagu horay u ahaa agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

Halka agaasimaha arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa afhayeenka iyo ku-simaha agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran;

1. Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi, agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada.

3. Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), afhayeenka Madaxtooyada.

4. Samatar Shariif Axmed, agaasimaha waaxda Iibka.

5. Xuseen Yuusuf Cali (Ladane), agaasimaha cusub ee waaxda adeegga guud.

6. Ladan Cabdikhayr Cilmi, gaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda

7. Mowliid Ibraahin Xasan, agaasimaha waaxda la socodka iyo qiimeynta (M&E).

8. Mohamed Salad Ahmed (Barre), madaxa xafiiska agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

Ad
Previous articleSanbaloolshe oo Beeshiisa Xawaadle oo Hal Codsi Hordhigay kadib Askartii Ceelbaraf lagu laayay
Next articleBeesha Sacad oo War Culus kasoo Saaray Dagaalka Sacad iyo laylkase