Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Maraykanka oo ka Hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara

Maraykanka oo ka Hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara

0

Mareykanka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda.

Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan.

Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhex-dhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.

Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan doorkiisa.

Guterres “waxa uu rajeynayaa in si degdeg ah loo billaabo wada xaajoodyada farsamada iyo natiijo wanaagsan oo laga gaaro geeddi-socodka” ayuu afhayeenkiisa Stephane Dujarric ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiiskii ay la gashay Somaliland — oo si iskeed ah ugu dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii – mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in Itoobiya ay dawladdooda siinayso aqoonsi rasmi ah.

Balanqaadkaas marna ma aysan xaqiijin Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, wuxuuuna horseeday qeylo dhaan caalami ah oo ku saabsan halista colaad dib uga soo cusboonaata gobolka aan xasilooneyn.

Blinken ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Turkiga “fududeynta” heshiiska cusub.

Bayaanka uu soo saaray ayaa yimid xili uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu wadahadallo ku saabsan xaaladda dalka Siiriya kula yeeshay Erdogan.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo Soomaaliya inay xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya ee danaha ay wadaagaan ee amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Blinken.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleXukuumada Cusub ee Soomaaliland oo ka Hadashay Heshiikii Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleAxmed madobe oo Xamar kasoo Dajiyay ciidamadii Dowlada ee lagu Qabtay Raaskanbooni