Home Wararka Maanta Munaasabad lagu dhiira galinayay Ardaydii kaalmaha Hore ka galay imtixaankii Dowladda dhaxe...

Munaasabad lagu dhiira galinayay Ardaydii kaalmaha Hore ka galay imtixaankii Dowladda dhaxe oo lagu qabtay Caabudwaaq {Sawiro}

0

Munaasibadaan oo ay soo qaban qaabisey Madasha Hogaaminta Ileys isla markaana lagu taageerayey ardeydii ugu sareysey imtixaanka shahaadiga ah ee fasaslka 12-aad  ayaa maanta lagu qabtey magaalada Caabudwaaq Waqooyiga Gobolka Galgaduud

Munaasibadda ka soo qayb galey Siyaasiyiin, aqoonyahanno, Macalimiin Waalidiin Iyo Ardaydii kaalmaha hore ka galey Imtixaanka fasalka 12, aad

Ugu horeyn waxa Munaasabadda ka hadley Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Galgaduud Xasan Axmed ayaa bogaadiyey ardeyda kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda.

Qaar ka mid ah ardeydii kaalmaha hore ka galey imtixaanka iyo Macalimìintooda ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo, dadaalka ay ardayda geliyeen dhanka Waxbarashada.

Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Xirsi Qorax Iyo Siyaasi Daahir Cali kamiin oo ahaa Mas’uuliyiinta Madasha Hogaaminta Ilays ee qabtay munaasabada lagu dhiira galinayay ardayda ayaa bogaadiyey ardayda sheegeyna iney sii wadaan dadaalkooda.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey ardaydii galay kaalmaha hore, waxana xusid mudan in 20-ka arday ee ugu sareeya Galmudug ay 12 ka mid ah ka baxeen Iskuulada Caabudwaq, halka guud ahaa 10 arday ee dalka ugu sareeya laba ka mid ah yihiin Ardayda Caabudwaaq wax ku baratay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamo ka Tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho
Next articleGabar yar oo Gobalka Mudug ugu geeriyootay dhiigbax ka dhashay Gudniin Lagu sameeyay