Home Wararka Maanta 4 Qof oo Mareykan ah oo la afuubtay iyo labo ka mid...

4 Qof oo Mareykan ah oo la afuubtay iyo labo ka mid ah oo Meydadkooda la helay

0

Labo ka mid ah afar qof oo Maraykan ah oo ay dabley ku qafaasheen Mexico ayaa meydkooda la helay

Labo ka mid ah afar qof oo Mareykan ah oo Jimcihii ay dabley  qafaalatay markii ay baabuur u galeen Mexico ayaa meydkooda la helay, labada qof ee badbaaday ayaa dib ugu laabtay Mareykanka.

“Afarta mareykanka ah laba ka mid ah way dhinteen, hal qof ayaa dhaawacmay, qofka kalena waa nool yahay,” sidaa waaa sheegay Americo Villarreal, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyiga ee xudduudda ee Tamaulipas halkaasoo afarta qof ay u gudbeen.

Ka dib, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Tamaulipas, Irving Barrios, ayaa Twitter-ka ku sheegay in labada qof ee Mareykanka ee badbaaday lagu wareejiyay saraakiisha Mareykanka ee ku sugan xuduudka Texas. Sarkaal ka tirsan Mexico ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in haweeneyda kali ah ee kooxda ka tirsaneyd aysan dhaawacmin.

Afduubyadan ayaa tooshka ku ifiyay walaaca uu Maraykanku ka qabo rabshadaha baahsan ee burcadda ah ee Mexico.

Jamhuuriga, gaar ahaan, waxa ay ku riixayeen dawladda Maraykanka in ay mawqif adag ka qaadato dembiyada abaabulan ee Mexico iyadoo ay sii kordhayaan dhimashada daroogada la xiriirta.

ABC News ayaa magacyada afarta qof ku sheegay “Tay” McGee, Shaeed Woodard, Zindell Brown iyo Eric James Williams.

Sarkaal ka tirsan Tamaulipas ayaa sheegay in labada qof ee badbaaday ay magacyadooda ku sheegeen Latavia McGee iyo Eric James Williams.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qof Mexico u dhashay la dilay markii afarta qof la afduubtay todobaadkii hore.

Dowladda Mareykanka ayaa kala shaqeyneysay saraakiisha Mexico sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen afduubka iyo sidii dhibanayaasha guriyahooda loogu soo celin lahaa, afhayeenka Aqalka Cad John Kirby ayaa sidaas sheegay.

“Weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka waa wax aan la aqbali karin, meel kasta ha ahaatee,” ayuu u sheegay shir jaraa’id.

Lopez Obrador ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay, wuxuuna sheegay in hal qof lagu hayo afduubkii Tamaulipas, kaas oo muddo dheer ahaa mid ka mid ah gobollada ugu rabshadaha iyo rabshadaha badan ee Mexico. Waxa uu ballan qaaday in sharciga la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Afarta qof ee Maraykanka ah ayaa saarnaa gaari yar oo nooca yar yar ah markii ay galeen magaalada xuduudka ku taal ee Matamoros, Tamaulipas, Jimcihii.

Dabley hubaysan ayaa rasaas ku furay gaariga wax yar ka dib markii ay u gudbeen dalka Mexico, ka dibna waxay ku sii raaceen baabuur kale ka hor inta aanay ka baxsan goobta, sida ay sheegtay safaaradda Maraykanka ee Mexico.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in McGee uu kooxda kula safrayay Mexico si uu u sameeyo qaliin isqurxin ah.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaarayaal hore oo kahor yimid Mudo Kordhinta ay Damacsantahay Dowlada uu Hogaamiyo Xasan Shiikh
Next articleXasan Sheekh oo Ka Hadlay Qaddiyada reer Falastiin iyo Mowqifka DOwlada Soomaaliya