Home Wararka Maanta Maleeshiyaad habaysan oo Matabaan ka gaystay dil ku lug lahaa aana Qabiil

Maleeshiyaad habaysan oo Matabaan ka gaystay dil ku lug lahaa aana Qabiil

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay duleedka degmadaasi ku dileen Nin la sheegay in uu xoolo dhaqato ah.

Maleeshiyaadka ayaa Ninka ugu tegay Hooygiisa, waxaana goobjoogayaal sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeem ka dib markii ay falkaasi fuliyeen

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaas lala xiriirinayo aanooyn qabiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan degaanka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in degaanka ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilkaas, kadib markii Ninkii la dilay maleeshiyaad ku heyb ah ay weerareen maleeshiyaadkii dilka geystay.

Degaanka hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana dhowr jeer beelahaas la kala dhex-dhigay heshiis balse markale dagaalada ay soo laabtaan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSomaliya oo safaarad ka furatay Wadanka Azerbaijan
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Maanta si weyn Loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawiro)